Culimada iyo Aqoonkororsiga Teknolojiyadda cusub: Matahay Xilligii Loo Baahnaa in ay culumada bartaan Isbeddellada Teknolojiyadda Casriga ah:


Qormadaan yar waxaa igu dhaliye dood diineed aad ufara badan oo ka dhalatay Coin ka cusub ee $TRUMP iyo sida ay muhiim utahay in culumada ay familiar la noqdaan isbadallada tiknolojiyadda.

Hordhac kooban

Dunida casriga ah waxaa si xawli ah ugu socda isbeddello waaweyn oo dhinacyo badan ah, gaar ahaan kuwa la xiriira teknoolojiyadda iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah. Teknoolojiyadda blockchain iyo lacagaha loo yaqaan cryptocurrency (Tusaale., Bitcoin, Ethereum…..) waxay noqdeen mowduucyo dood badan dhaliya, gaar ahaan marka laga eego dhinacyada sharciga, diinta Islaamka, iyo dhaqaalaha caalamiga ah. Waxaa muhiim ah in culumada Muslimiinta ay la socdaan isbeddelladan si ay u fahmaan doorka ay ku leeyihiin nolosha casriga ah iyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshooyinka Muslimiinta ah.


1.     Maxay Yihiin Teknoolojiyadda Blockchain iyo Cryptocurrency?


Blockchain si kooban waxaa lagu qeexin karaa ineey tahay teknoolojiyad kaydisa xogta qaab sugnaan leh, halka cryptocurrencies ay yihiin lacag digital ah oo ku shaqeysa tiknoljiyadda blockchain. Waxa ugu muhiimsan ee cryptocurrencies ay kaga duwan yihiin lacagaha hard ka ah waa inaysan ku tiirsaneyn bangiyo dhexe, taasoo ka dhigeysa mid ka madax bannaan nidaamyada maaliyadeed ee caadiga ah, qofkuna uu asagu umadax banaanyahay maamulka dhaqaalihiisa.

2. Culumada iyo ineey Waqtiga Ku Bixiyaan Fahamka Teknoolojiyadda


Culumadu waxay ku jiraan kaalinta ugu horreysa ee hanuuninta bulshada, sidaas darteed waa lama huraan inay waqti geliyaan barashada teknoolojiyadan cusub.

Waxaa jira dhowr sababood oo muhiim ka dhigi karo sida:

  • Saameynta Diineed: dadka inta badan shalay waxeey isweeydiinayeen Su'aalaha la xiriira ribada (usury) iyo in cryptocurrencies ay sharci yihiin diinta Islaamka waa arrimo u baahan cilmi iyo xukun sharciyeed, oo uusan qofka maalgashadaha ah ka jawaabi Karin.
  • Ka Hortagga Khataraha: Teknoolojiyadda cusub waxay leedahay fursado iyo khataro labadaba. Culumada oo ka jawaabta khatarahan waxay bulshada ka ilaalin kartaa khasaaro dhaqaale ama khaladaad diini ah ineey ku dhacaan.
  • Ka Faa’iidaysiga Fursadaha: Teknoolojiyadda blockchain waxay leedahay fursado badan, sida fududeynta hannaanka maaliyadeed, ku hubinta transparency lacagaha, iyo kobcinta maalgashiga Islaamiga ah ee waafaqsan shareecada. Kawaran haddii ay culumada soo saaraan fatwo la xariirto Zakaadka ku waajibi karo qofka lacago badan maal gashto, sidaasna looga faaideeysto dhanka Sadaqada? Waa iga suaal uun.

3. Cryptocurrency: Ribaa Saaran Mise Waa Fursad?


Mid ka mid ah doodaha ugu waaweyn ee culumada dhex yaalla hadda waa in cryptocurrencies ay tahay lacag sharci ah oo waafaqsan shareecada Islaamka mise waxay leedahay ribo. Waxa muhiim ah in la isweydiiyo dhowr su’aalood:

  • Ma jiraan wax ribo ah oo ku jira ganacsiga coins-ka? Mase coins ka qaar waa xalaal Kuwana waa xaaraam sida kii shalay qaar culumada kamid ah ay udhaheen waa xaaraan?
  • Ma yahay crypto asset mise lacag la mid ah dahabka iyo lacagaha kale?

 

Culumo badan ayaa ku dooday in cryptocurrencies ay u baahan yihiin in lagu saleynayo xaaladdooda, sida isticmaalka sharciyeed, iyo haddii uu jiro wax dheeraad ah oo faa'iido laga helo iyadoo aan la shaqeysan.

 

4. Waa Xilligii La Baran Lahaa Teknoolojiyadda Cusub


Inkastoo teknoolojiyadda blockchain ay tahay mid cusub, waxaa la joogaa xilligii la baran lahaa oo bulshada loo iftiimin lahaa faa'iidooyinka iyo khasaaraha ay leedahay. Culumada Muslimiinta waxaa ku waajib ah inay:

  • Sameeyaan Cilmi Baaris Qoto Dheer: In la falanqeeyo sida blockchain iyo cryptocurrencies loogu dabaqi karo qaab waafaqsan shareecada.
  • Bulshada Ka Hanuuniyaan Khataraha: Waa muhiim in bulshada Muslimiinta ah loo sheego halista lacagaha crypto, gaar ahaan kuwa lagu tilmaamo inay yihiin tuugo ama (scams).
  • Horumarinta Fursadaha: Blockchain waxa kale oo loo isticmaali karaa in lagu xoojiyo dhaqaalaha Islaamiga ah, sida abuurista nidaamyo maalgashi oo waafaqsan shareecada, iyo xitaa in Masaajidda ay helaan meelo ay maal gashan karaan oo howlaha diinta islaamka lagu faafiyo.

Gunaanad
Teknoolojiyaddaha cusub waa mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee saameynaya dhaqaalaha iyo teknoolojiyadda maanta. Waxaa muhiim ah in culumada Muslimiinta ay waqti geliyaan barashada iyo fahamka teknoolojiyadan si ay ugu adeegaan bulshada loogana hortago wax kasta oo khatar ku noqon kara. Xilligani waa mid muhiim ah oo loo baahan yahay hogaaminta culimada si looga faa’iideysto teknoolojiyadda iyada oo la ilaalinayo shareecada Islaamka.

Marka ay culumadu yeeshaan aqoon buuxda oo ay ku falanqeeyaan arrimahan, waxay suuragal noqon doontaa in la gaaro xalal waara oo waafaqsan dhaqaalaha Islaamka.

 

Zakarie Ismael Shekh

 

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته ---

 

Comments

Popular posts from this blog

My Visit to Oxford University and Participation in the Global Cybersecurity GCSCC Conference